Wasiirkii  Wasaaradda Warfaafinta  Puntland Maxamuud Xasan Soocadde oo Is Casilay

0

Wasiirkii Warfaafinta iyo isgaarsiinta Puntland Mudane  Maxamuud Xasan Soocadde ayaa sheegay inuu iska casilay xilkii wasiirka warfaafinta Puntland islamarkaana uu madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas  uu u gudbiyay Warqadiisa iscasilaada.

Wasiir Maxamuud Soo cadde oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay inuu isku casilay sababo iyo daruufo qoys oo isaga u gaar ah, wuxuuna sidoo kale xaqiijiyay in Madaxweynaha Puntland C/wali maxamed Gaas uu ka aqbalay iscasilaadiisa.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in iscasilaada wasiirka ay la xiriirto isfaham daro soo kala dhexgashay Wasaaradda Warfaafinta Maamulka  Puntland iyo warbaahinta ka  howlgasha deeganada Puntland oo dhowr jeer oo hore cabashooyinka u gudbisay madaxda Puntland.

Dhowr jeer oo hore Wasiir Soocadde ayaa sheegay in aysan Puntland Marnaba u dulqaadan Doonin Dadka Dhibaatada Ku Haya, ayna wixii sharci Ah Waafajin doonaan,Wuxuu sheegay ineysan U dulqaadan doonin Warbaahinta Buun buunisa Dadka uu sheegay iney Xiriirka la leeyihiin Daacish iyo burcad-Badeed, isagoo sidoo kale hanjabaad u jeediyay wariyaasha ka howgala deeganada Puntland.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here