Dalxda:-Dowladda Hindiya Dhalinyaro Kaluumaysato ah oo ay Ka Afduubatay Biyaha Soomaaliya ayay Xukuno ku Riday

0

Gudoomiye ku Xigeenka  Guddiga Arimaha dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya  Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa oo Waraysi gaar ah siiyey Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Sharci daro ku Tilmaamay Xukun Dowlada Hindiya ay ku Riday 50-Dhalinyaro Soomaali ah oo Sida la Sheegay ay Ciidamada Badda ee Wadanka Hindiya ay ka qafaasheen Xeebaha Soomaaliya,

Mudane Prof-Dalxa  ayaa wax laga Xumaado ku Tilmaamay Xukunka Dilka ah ee Dowlada Hindiya ay ku riday Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay ku eedeysay Fal Danbeedyo la Xiriira Burcad-Badeednimo.

Xildhibaan Prof-Maxamed Cumar Dalxa  ayaa Sheegay in Gudiga Arimaha Dibada ee Baarlamaanka Soomaaliya ay Heleen Cadeymo Muujinaya in Dowlada Hindiya Dhalinyaradaan oo ah Kaluumaysato  ay ka Afduubatay Biyaha Soomaaliya oo Ciidamadeedo ay si Sharci Daro ah ay ku soo galeen.

Gudoomiye ku Xigeenka  Guddiga Arimaha Dibada  ee Baarlamaanka Soomaaliya  Xildhibaan Prof-Maxamed oo Sii hadlayey ayaa Sheegay in hadii Dowlada Hindiya ay ka dhaga adeegto baaqa Dowlada Soomaaliya ee  ah inay kala laabato Xukunka ay ku Riday Muwaaditiinta Soomaaliyeed  kuwaas  markii hore Si Sharci Daro ah looga Qafaashay Xeebaha Wadankooda in Meesha ka Bixi doono Xiriirka Diblamaasiyadeed ee ka Dhexeeya labada Dal.

Ugu Danbeyntii Prof-Dalxa ayaa Xusay  in Dowlada Soomaaliya ay Xaq uleedahay inay Maxkamada Danbiyada Caalamiga ah u Gudbiso Dacwad ka dhan ah Dowlada Hindiya taasi oo ku aadan Xadgudubka Maraakiibteedu ay ku Sameeyaan  Biyaha Soomaaliya oo ay ku Shubaan Sunta Kiimikiga iyo Haraaga qashinka Warshadaha Dalkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here