Toogasho dad Lagu Dhaawacay oo ka Dhacday Magaalada Maalmo ee Caasimada Dalka Sweden

0

Booliska Dalka Sweden ayaa Sheegay in 4 qof ay ku Dhaawacmeen Toogasho ka Dhacday Magaalada Malmo ee Caasimada dalka Sweden.

Sida ay sheegeen Booliska magaalada Maalmo 4 qof ayaa lagu dhaawacay toogasho ka dhacday magaladaas kadib markii kooxo hubaysan oo watay mootooyin ay rasaas ku fureen gaari dad rayid ah saarnaayeen oo eryanayeen.

Mid ka mid dadka ku dhaawacmay weerarkaas ayaa la tilmaamay in uu ku jiro xaalada halis ah halka Saddexda kalana la sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo fudfudud haatan xaaladooda ay tahay mid aad u wanaagsa.

Booliska ayaa dhacdadaas waxa ay ku tilmaameen isku day dil oo lasoo qorsheeyay balse aan u dhicin sidii loogu talagalay.

Warbaahinta ka hawlgasha Gudaha dalkaas ayaa sheegtay in ay soo kordhayeen mudooyinkii dambe weerarada nuucaan ah ee ka dhacaya magalada Maalmo ee Caasimada dalka Sweden.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here