Madaxweyne Xasan Shiikh oo Dowlada Imaaraadka Carabta ku Amaanay Doorka ay Ku leedahay Dib u Dhiska Dalka

0

Madaxweynaha Soomaliya  Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku amaanay dowlada Imaaraadka Carabta iyo shacabkeeda  doorka ay ka qaadanayso dib u dhiska dalka Soomaliya.

Madaxweyne  Xasan Shiikh Maxamuud oo waqtigiisa sharciga ah  uu Dhamaaday ayaa tilmaamay in la xoojin doono xiriirka ka dhaxeeya dalalka Soomaliya iyo Imaraaddka Carabta haatan iyo Mustaqbalka Soo Socda

“Dowlada Soomaliya iyo shacabkeeda waxay mahad balaaran u jeedinayaan dowlada Imaaraadka Carabta oo ka teegereysa Soomaliya dhinaca Nabad Galyada, dhinaca gar-gaarka, iyo Hormarka,waxaan eegaynaa in si wadajir ah aan ugu wada shaqeyno sidii la iska kaashan lahaa dhamaan qodobadaas” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh maxamuud ayaa ku amaanay Dowlada Imaaraadka Carabta doorka ay ku leedahay maalgashi lagu sameeyo dalka iyo kobaca dhaqaalaha.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaliya  Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo mar kale u tartamaya doorashada  Soomaliya ka dhacaysa sanadkaan 2016-ka ayaa sheegay in la sii xoojin doono xiriirka Labada dalka haduu uu ku Guuleysto xilka Madaxweynaha Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here