3-Gabdhood oo Lagu Eedeeyay In ay Wax ka Ogaayeen Weerarkii Lagu Qaaday Saldhiga Dhexe ee Magaalada Mombasa

0

3 gabdhood oo loo haysto in ay xiriir la leeyihiin weerarkii lagu qaaday saldhiga dhexe ee Magaalada Mombasa oo dawlada Kenya ay ku tilmaantay fal Argagixiso oo fashilmay ayaa waxaa lagu eedeeyay in ay qariyeen xog muhiim ah oo weerarkaas ku aadan oo ay hayeen islamarkaana ay booliska lawadaagi kareen.

Gabdhahaan ayaa waxa lagu eedeyay in ay isku fasal ahaayeen Ramla Abdulrahman Hussein oo ka mid eheed haweenkii lagu dilay dhacdadii ka dhacday saldhiga Magaalada Mombasa bishii September 11,dhacdadaas ayaa sidoo kale Boolisku ay ku dileen Ramlo walasheed oo lagu magacaabo Maimuna Abdulrahman iyo gabar kale oo magaceeda lagu sheegay Tasmin Yakub Abdullahi Farah.

3 Gabdhood oo lagu eedeyay in ay xiriir la lahaayen gabdhihii ay dileen Ciidamada Booliska Kenya ayaa lagu kala magacaba Nasteho Ali Thalil, Luul Ali Tahlil and Zam Zam Abdi,

Waxaana ay dhiganayeen iskuul lagu magacaabo Qubaa Secondary School islmarkaana ku yaala magaalada Mombasa.

Gabdhahaan ayaa laxiray talaadadii lasoo dhaafay balse markii wax dambi ah lagu waayay ayaa lasii daayay malintii khamiistii ee aynu soo dhaafnay,laakin daqiiqado kadib ayaa mar kale lasoo xiray habeenimadii jimcihii ayaana maxkamad lasoo taagay,waxaana ay iska beriyeeleen eedeymaha loo haysto.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here