Dad Shacab ahaa oo ku Dhaawacmay Bambo Gacmeed  Xalay ka Dhacay  Magaalada Beledweyne

0

Inta la xaqiijiyay 5-ruux oo dad shacab ahaa  ayaa ku  dhaawacmay kadib  bambo Gacmeed  xalay ka dhacay  Xaafada Buundo weyn ee magalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Bambada ayaa la sheegay in lagu weeraray goob dad shacab ahaa ay ku sugnaayeen oo ku taala Xaafada Buundo weyn ee Magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan dadkii ku dhaawacmay weerarkaas ayaa la geeyay isbitaalka Guud ee Magaaladaas.

Lama oga cid ka danbeysay bamka latuuray iyo cida ay la bartilmaameedsanayeen balse goobta bamka lagu tuuray ayaa ah goob mashquul ah oo xiliyada fiidkii oo ay bulshadu isugu yimaadaan waxana kalkaa ku yaala maqaayado ay dadku ku fiidsadaan.

Ciidamada Booliska magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa howlgal ka sameeyay goobta uu falka ka dhacay waxaa jira dad loosoo qab-qabtay weerarkaas oo haatan ku xiran Saldhiga Guud ee Magalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here