Faah-faahin:-Gudoomiye Ku Xigeenkii Maamulka Degmada Marka ee Dhinaca Qorshaynta oo La Dilay

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa  waxa ay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen Gudoomiye Ku Xigeenkii Maamulka Degmada Marka ee Dhinaca Qorshaynta iyo Dib U Dhiska, Ala Ha u Naxariistee Xuseen Maxamed Axmed.

Gudoomiye Ku Xigeenka oo sidoo kale ka tirsanaa ganacsatada reer Marka, ayaa lagu dilay xaafadda Obasiibada, markii ay rag hubeysan ku weerareen xarun ganacsi oo halkaasi uu ku haystay , sidoo kale ragga dilka gaystay ayaa tiradooda lagu sheegay laba nin, waxayna ku hubeysnayeen bistoolado, dilka kadib waxa ay ka baxsadeen goobta.

Dhanka kale Maamulka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka hadlay dilka Gudoomiye Ku Xigeenkii Maamulka Degmada Marka ee Dhinaca Qorshaynta iyo Dib U Dhiska, Xuseen Maxamed Axmed waxayna  ku eedeeyeen Xarakada Al-shabaab in ay ka dambeeyeen dilka.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here