Uganda oo Maxkamad Soo Taageysa Soomali Lagu Eedeeyay  in ay Qorsheynayeen Weerarro ka Dhaca Dalkaas.

0

Dowlada Uganda ayaa qorshaanaysa in  Maxkamad soo taagtoTodobo qof oo Somali ah kuwaas oo Sanadkii 2014kii laga qabtay Hotel ku yaalla Magaalada Kampala kadib markii Booliska Uganda ay heleen xog sheegeysa in raga deggan Hotelka ay qorsheynayeen weerarro ka dhaca dalkaas.

Shalay oo Jimco ahayd ayaa la isku dayay in laga daayo Xabsiga ay ku jiraan ama la geeyo maxkamad,waxaana taas diiday Maxkamadda  Dambiyada Caalamiga ah ee Dalka Uganda oo sheegtay in kiiska dacwadooda u wali dhameystirmin.

Dhalinyaradaan Soomalida ah ee ku xiran dalka Uganda mudda 2-sano ah ayaa ka cabanayan in aysan xabsiga ku heysan nolol fiican una dheertahay caafimaad darro iyo nadaafadda Xabsiga oo aad u liidata.

Kooxdan todobada ah oo uu hoggaaminayo Max’ed Guuleed  ayaa dalbaday Bishii December ee Sanadkii 2014kii in Xabsiga laga sii daayo,waxaana diiday Moses Mukiibi,oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Kampala.

Dacwaddooda ayaa lagu wadaa in 29ka Bishan September la qaado lana horgeeyo maxkamadda sida uu sheegay Qaaddiga Maxkamadda Ezekiel Muhanguzi,.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here