Shabaab oo Deegaanka Galcad ku Soo Bandhigay 60 askari oo ay Sheegeen in ay ka Soo Goysteen Dowladda+sawirro

0

Xarakada Al-shabaab ayaa deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ku soo bandhigay 60 askari, oo sida ay sheegeen ka soo goystay Ciidamada Dowladda Somaliya qeybta Gobolkaas.

Soo bandhigida Ciidamadaan ayaa ka dambeysay  xili toddobaadkii hore  Ciidamada xarakada Al-shabaab ay dib ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Galcad, ka dib markii ay isaga baxeen Ciidanka Amisom, iyadoo kolkaasi ka dibna ay ka baxeen Ciidamada Dowladda.

Gudoomiyaha  Xarakada Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali, ayaa sheegay in raggaasi uu ku soo dhawaynayo munaasabad gaar ah, oo ay ugu talla-galeen inay ku qaabilaan.

Sidoo kale Gudoomiyaha, Xarakada Al Shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud, Xasan Yacquub Cali,  ayaa goobtaasi ka sheegay in ragga ay qaabileen tiradoodu tahay 60 nin, kuwaa oo garwaaqsaday sida uu sheegay inay Alle u towbad keenaan.

1474730695e4923 1474730684a9b1d 14747306980dc65 14747306870f00d 1474730705ea869 1474730704f243d 1474730701f3ccc 1474730699edc58

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here