Waxaa gordhow ciidamada amaanka maamulka soomaaliladn ay xabsi u taxaabeen afar wariye oo ka howlgaleysay deegaanada uu ka arimiyo maamulka soomaaliland.
Afarta wariye ee la xiray ayaa la dhigay saldhig ku dhex yaala Dekadda magaalada Berbera.
Weriyayaasha la xiray ayaa laga qaatay dhamaan agabki ay ku shaqeynayeen waxana jiro warar kala duwan oo ka soo baxaya sababaha keenay xarigooda.
Wariye Madaxbanaan oo ku sugan magaalada berbera ayaa idaacada simba u sheegay in suxufiyiinta loo xiray sababo la xariira baahinta war ku aadana dhul la sheegay in maamulka soomaaliland uu ka iibsaday ganacsato ka howlgasha deegaanada soomaaliland.
Weli waxaan helin xarumaha ay ka howlagalaan weriyayaasha lagu xiray magaalad berbera.
Wixi Faafaahin dib kala soco.

