Waxaa isa sotaraya duqeymo dowladda Kenya ay ka wado deegaano iyo degmooyin katirsan gobolada jubooyinka iyo gedo hadaba waxaa ka hadaly duqeymahaasi oo ku tilmamay mid xasuuq ah Saraakisha cidanka dowlada ee gobolada juboyinka iyo gedo kuwasi oo eedeymo kala duldhacay dowlada Kenya iyo masuliyinta mamulka jubland oo ay ugu horeyan barlamnaka mamlkasi
Cabdirashiid Macalin Gaas oo ka mid ah saraakiisha ciidanka dowladda oo la hadlay idaacada simba ayaa sheegay in Kenya ay duqeymo xad dhaaf ah kawado deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka ged islamarkana ay si barer ah u begsaneyso meelaha ay dagan yihin dadka xolo dhaqatada .
Sargaalkaan ayaa waxa u ku eedeeyay madaxweynaha maamulka jubaland axmed madoobe in maamulkisa uusan xiligan u bisleyn shacabka goboladasi ku dhaqan in u wax u qabto balse kaliya dantiisa ay tahay in dadka shacabka ah ciidamdiisa u ku dalbo si ay u dilan islamarkana looga dambeyo isaga dhinaca kale sargalkan aya ayaa xildhibanada barlamanka amulka jubland dhankooda ku edeyay in ay iska indhatirayan ka hadlida duqeymaha Kenya shacabka rayidka ah ay ugeysanayan isgo inta ku daray in xildhibanda barlamanka mamulkasi marnaba esan uga hadlin duqeymahasi kulamda cadiga ah ay kismanyo ku yeshan
Kenya ayaa inta badan duqeymaha ay diyaradahooda fuliyan in ay ku begsadan xarakada al shaaba lakiin ma aysann ka hadlin duqeymo is daba jog ah oo maalmihi ugu dambeyay diyaradaheeda ay ka fuliyeen gobolada juboyinka iyo gedo.

