Wasiir Arimaha Dibada Soomaaliya C/salaam Cumar Hadliye ayaa Faah-faahin ka Bixiyey Kulamo uu la qaatay Madaxda ka qayb galaysa Shirka Guud ee Golaha loo Dhanyahay ee Qaramada Midoobay ee Magaalada New-york kaasi oo Diirada lagu saarayo Dhibaatooyinka Qaxootiga Aduunka.
Wasiir Haliye ayaa Sheegay in uu kulamo Muhiim u ah Xalaada Qaxootiga Soomaaliyeed ee kula Sugan Wadamada Caalamka sidii loo taageeri lahaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Kol-hore Dalkooda uga Cararay Colaada iyo Dhibaatooyinka ka jiray Madaxda ka qeyb-galaysa Shirka Qaramada Midoobay Dalka Maraykanka.
Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya oo sii hadlayey ayaa Tilmaamay in uu Wadamada Caalamka u sheegay Dadka Soomaaliyeed ee Qaxootiga ku ah Caalamka aysan aheyn Xambaarsanayn Halis Dhanka Amniga ah islamarkaan Soomaalidu ay Bulshada Caalanka ay ula sinan yihiin Dhibaatoonka Dunida ka Jiray.
Shirka Qaramada Midoobay ee Magaalada New-york waxaa soomaaliyu uga qeyb-galay Wasiirka Arimaha Dibada C/salaam Cumar Hadliye waxaa uuna 24-Bishaan uu ka jeedin doonaan Qudbad uu kaga hadlayo Xalaada Qaxootiga Soomaaliyeed Wadamada Caalamka Taageerada ay U baahan yihiin Xilgaan.
Xuquuda qoraalka waxa leh radio Simba

