Ururka NUSOJ oo Cambaareyay Go’aanki Suxufiyiinta logu diiday Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde “Dhageyso”

0

Xili shaley uu warqad digniin aheyd oo uu soo saaray Maareeyaha Guud ee Maamulka Amniga garoonka diyaaradaha Aadan cadde Cabdi Ashkir Jaamac uu ku sheegay in mudo ku siman 60 cisho aysan saaxafadda madaxabanan iyo mida dowlada aysan adeegyo warbaahineed  ka fulin Karin garoonka aadan cadde ee magaalada muqdisho ayaa waxaa arinka si kulul kaga hadlay ururka suxufiyiinta qaranka soomaaliyeed ee NUSOJ.

Xogayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee nusoj Maxamed ibraahim macalimu oo wareysi saakay siiyay idaacada simba ayaa arin laga xumaado ku tilmaamay go’aanki ay dowlada soomaaliya suxufiyiinta mudo ku siman 60 cisho ugu diiday in ay gudaha u galaan garoonka aadan cadde.

Maxamed ibraahim macalimu ayaa sheegay in saxaafaddu ay tahay adeegaha bulshada islamarkaana go’aanka nuucaan uu yahay mid lagu dhaawacayo howshaha warbaahinta ay u heyso bulshada soomaaliyeed.

Xogayaha NUSOJ ayaa dhinaca kale waxa uu sheegay in xili loo diyaar garoobayo waqtidoorasho in aysan habooneen in saxaafada laga hor istaago howlaha dhaq dhaqaaq ee ka soconayo garoonka Aadan cadde.

Sidoo kale Maxamed ibraahim macalimu ayaa carabaabay in Amni xaqiijin aysan noqon Karin in weriyayaasha loo diido gelida garoonka Aadan cadde.

Halkaan codka ka dhageyso

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here