Sida uu daabacay wargeyska the star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya Labada madaxweyne ayaa xiriir dhinaca qadka taleefanka ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ku jiraan ladagaalanka Xarakada Al shabaab iyo sidii nabad looga dhalin lahaa Gobolka, iyo sidoo kale sidii loo dhaqan dhaqan gelin lahaa Heshiiskii isbedelka cimilada ee Faransiiska ka dhacay.
Madaxweyna dalka Mareykanka obama ayaa waxaa uu sheegay in uu taageersanyahay caawinta bini aadminimo ee dawlada Kenya ay ku caawiso dadka qaxootiga ah ee muddo badan ku jirey xerada dunida ugu weyn ee Dhadhaab.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa intaas ku daray hadalkiisa in lasii wadi doono xiriirka xoogan ee labada dhinac ka dhexeeya Kenya iyo maraykanka isagoo sidoo kale tilmaamay in ay ka go’antahay in la dardargaliyo dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab.

