John Obi Mikel ayaa cadeeyay in uu diyaar u yahay bisha January in kooxda Chelsea uu ka hadlo hadii uu kooxda ka tagaayo ama uu heshiis cusub u saxiixayo.
Qadka dhexe ee xulka dalka Nageria ayaa ku jira waayihiisa ugu dambeeyay ee Garoonka Stamford Bridge ee Galbeedka Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
John Obi Mikel ayaa ku fashilmay in uu helo dooqa kowaad ee qadka dhexe ee macalin Antonio Conte sidoo kale dhawaan waxa uu matalayay xulka dalka Nageria ciyaarayaha Olympics football ee lagu qabtay dalka Brazil.
Mikel ayaa ah xidiga labaad ee uu waqti dheer ee Chelsea ku sugan marka laga soo tago Kaptanka kooxda John Terry wuxuu kula guuleystay 3- Premier League, 2- FA Cup, Europa League iyo Champions League kadib 11-sano uu ku sugnaa team-ka Chelsea..

