Da’yarka kooxda Manchester United Marcus Rashford ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka ciyaaro booska Numbarka 10-aad ee Teamkiisa.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka England ayaa ka ciyaara boosaska garbaha iyo weerarka tan iyo markii uu kasoo baxay Academy-da kooxda Manchester United.
Wayne Rooney ayaa haatan ciyaara Numberka 10-aad ee kooxda Manchester Unted kaliyah waxaa ka horeeya xidiga Zlatan Ibrahimovic laakin warar soo baxaya ayaa sheegaya in Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho uu keydka galin doono Kaptanka kooxda madaama uusan soo bandhigin qaab ciyaareed wanaagsan.

