Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Cumar C/rashiid oo Gaaray Magaalada Garoowe

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Wafdiga Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaliya waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan labada gole iyo bulshada qeybaheeda kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya  uu ku saabsan yahay sidii uu heli lahaa  jago Xildhibaan, madaama uu yahay  mushrax waana mid kaliyaha ee ka caawinaysa Olihiisa Doorashada Soomaliya.

Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Magaalada Garoowe  waxa uu kulamo kula qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladaas, si uu ugu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed haduu ku guuleysto doorashada Soomaliya.

5i2a3916 5i2a3927 5i2a3928 5i2a3929 5i2a3930 5i2a3932 5i2a3933 5i2a3934 5i2a3935 5i2a3936 img_7865 img_7868

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here