Wafdi uu Hogaaminaayo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa maanta Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Wafdiga Raisul Wasaaraha Xukuumada Soomaliya waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku soo dhaweeyey madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan labada gole iyo bulshada qeybaheeda kale.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ujeedka wafdiga Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya uu ku saabsan yahay sidii uu heli lahaa jago Xildhibaan, madaama uu yahay mushrax waana mid kaliyaha ee ka caawinaysa Olihiisa Doorashada Soomaliya.
Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa Magaalada Garoowe waxa uu kulamo kula qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaaladaas, si uu ugu soo bandhigo barnaamijkiisa siyaasadeed haduu ku guuleysto doorashada Soomaliya.













