Aabaha dhalay Wiil Soomaaliyeed oo sagaal qofood oo Mareykan ah ku dilay mall-ka magaalada Minnesota ee dalka maraykanka ayaa sheegay in uu ahaa wiilkiisa oo jiray da’ada 22-sano isla markaana ahaa Arday wax kabarta College ku yaala Dalka Mareykan-ka.
Ahmed Adan oo la hadlay Wargeyska the star ayaa sheegay in wiilkiisa oo ahaa Daahir Ahmed Aadan in uu isna ku dhintay xarunta ganacsiga cross roads oo ku Taala magaalada St.Cloud oo in kabadan 100 KM waqooyi kaga beegan Gobalka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana police-ka uu ku wargeliyay in wiilkiisa uu ka dambeeyay dilka Sagaal Qofood oo uu Tooreeyay.
Wiilkaan weerarka geeystay ayaa weydiinayay Dadka ku sugnaa Suuqa Diinta ay heystaan iyo hadii ay muslimiin yihiin Wiilkan ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay Ciiidamada Police-ka magaalada Magaalada Minnesota.

