Aabe Soomaaliyeed oo Sheegay in Wiilkiisa uu Ka Dambeeyay Weerarkii  ka Dhacay Magaalada Minnesota

0

Aabaha dhalay Wiil Soomaaliyeed oo sagaal qofood oo Mareykan ah  ku dilay mall-ka magaalada Minnesota ee dalka maraykanka ayaa sheegay in uu ahaa wiilkiisa oo jiray da’ada 22-sano isla markaana ahaa Arday wax kabarta College ku yaala Dalka Mareykan-ka.

Ahmed Adan oo la hadlay Wargeyska the star ayaa sheegay in  wiilkiisa oo ahaa Daahir Ahmed Aadan in uu isna ku dhintay xarunta ganacsiga cross roads oo ku Taala magaalada St.Cloud oo in kabadan 100 KM waqooyi kaga beegan Gobalka  Minnesota   ee dalka Mareykanka, waxaana police-ka uu ku wargeliyay in wiilkiisa uu ka dambeeyay dilka Sagaal Qofood oo uu Tooreeyay.

Wiilkaan weerarka geeystay  ayaa weydiinayay Dadka ku sugnaa Suuqa Diinta ay heystaan iyo hadii ay muslimiin yihiin Wiilkan ayaa markii dambe waxaa toogasho ku dilay Ciiidamada Police-ka magaalada Magaalada Minnesota.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here