Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa siyaabooyin kala gadisan dilal ugu geysatay Degmooyinka Hodan iyo waabari ee Gobolka Banaadir.
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka iyo Fanaan ka tirsanaa Kooxda Hobalada qaranka Waabari ayaa lagu kala dilay Degmooyinka Hodan iyo waabari ee Gobolka Banaadir.
Dilka hore ayaa ka dhacay degmada Waabari abaarihii salaadii maqrib , markii kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen Cabdi Maxamed Safaari oo ka tirsanaa Kooxda Fanaaniinta Onkod, Sidoo kale dilka labaad ayaa ka dhacay degmada Hodan, halkaasoo kooxo hubeysan ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabo Col C/llaahi Sabriye Cabdulle.

