Faah-Faahin:-Dilal Xalay ka Dhacay Degmooyinka Hodan iyo Waabari ee Gobolka Banaadir

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa  siyaabooyin kala gadisan dilal ugu geysatay  Degmooyinka Hodan iyo waabari ee Gobolka Banaadir.

Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada xoogga dalka iyo Fanaan ka tirsanaa Kooxda Hobalada qaranka Waabari ayaa lagu kala dilay Degmooyinka Hodan iyo waabari ee Gobolka Banaadir.

Dilka hore ayaa ka dhacay degmada Waabari abaarihii salaadii maqrib , markii kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen Cabdi Maxamed Safaari oo ka tirsanaa Kooxda Fanaaniinta Onkod, Sidoo kale dilka labaad ayaa ka dhacay degmada Hodan, halkaasoo kooxo hubeysan ay ku dileen Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga oo lagu magacaabo Col  C/llaahi Sabriye Cabdulle.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here