Madaxweynaha oo Muqdisho kula Kulmay Guddiga Korjoogtada Dooda ee Dhanka Somaliya ka socda+Sawirro

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Magaalada Muqdisho kulamo la qaatay Guddiga Korjoogtada Dooda ee dhanka Somaliya ka socda.

Kulankaan  oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Soomaliya ee  Villa Somaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynaha wuxuu rajo ka muujiyay in Somaliya ay ku soo guuleysato doodaasi kala dhaxeysa Dowlada Kenya.

Waxa uu sheegay  Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu aad ugu kalsoon yahay in Dowladda Somaliya natiijo wanaagsan ay ka keento dooda Beri ka bilaabanaysa maxkamada Hague.

“Waxaan xallay sagootiyay guddi korjoogto ah oo tagi doona Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada, guddigaan waxay halkaasi u tagayaaan inay la socdaan dacwada u dhaxaysa dalkeena Soomaaliya iyo dalka Kenya ee ku saabsan murranka badda, waxaan ku kalsoonahay inaan dacwadaasi ku guulaysan doono inshalaah.”ayuu yiri madaxweynaha Somaaliya.

Marka la tago Hague ayaa dooda labada dhinac waxa ay u dhici doontaa sidan:

Wareegga Koowaad

Kenya waxaa la dhegeysan doonaa Berrito oo ah Isniin 19-ka September, laga billaabo saacadda Hague marka ay tahay 10:00 ilaa 13:00.

Soomaaliya waxay jawaab celineysaa Talaado 20 September laga billaabo 10:00 ilaa 13:00

Wareegga Labaad

Kenya waxay doodeysaa Arbaca 21 September saacaddu marka ay tahay galabnimada 16:30 ilaa 18:00.

Soomaaliya  waxay jawaabeysaa Jimce 23 September 10:00 ilaa 13:00.

Maalin kasta marka doodda la dhegeysto, Maxkamaddu waxay barteeda Internetka ku soo daabici doontaa doodda Maxkamadda laga soo jeediyay oo sideedii ah. Maalinta u dambeysana Maxkamaddu waxay soo saari doontaa War-Saxaafadeed.

1474183838cd471 14741838404bca9 147418384261cdf

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here