Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin Dawaare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaliya ay ku qaldaneed in ay dib u fasaxdo duulimaadyadii qaadka ka keeni jirey dalka Kenya.
Mudane Faarax Macalin Dawaare Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka dalka Kenya ayaa tilmaamay Qaadka inuu yahay Maandooriye qatar ah dalka iyo dadka Soomaliyeed , islamarkaana uu aad ugu farxay markii go’aan ay ku qaadatay Somaliya inay iska hakiso Duulimaadyada qaadka.
“Aad ayaan ugu farxay markii Somaliya sharaftii lagu yaqiini jiray ayeey soo ceshatay, Xasan Sheekh Maxamuud xoogaa sharaf buu ka tagay ayaan isla haa oo ah hadii Doorashada uu kusoo noqonaayo wax fican u noqon laheyd, laakiin taasi ma aysan dhicin oo dib ayaa loo fasaxay qaadkii Sun ayay noqotay aanan naga hareyn” ayuu yiri Faarax Macalin Dawaare.
Dhawaan Madaxweynayaasha dalalka Soomaliya iyo Kenya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa kawada hadlay go’aankii dowlada Dhexe ee Soomaliya ay ku hakisay duulimaadyadka qaadka ka keeni jirey dalka Kenya iyo dhibaatooyinka madaxda Soomalida ay kala kulmaan Safarada ay ku tagaan dalka Kenya.
Labada Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta oo kulan gaar ah yeeshay kadib shir madaxeedkii Urur Goboleedka IGAD ee lagu qabtay magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa ugu danbeeen isku raacay in xayiraada laga qaado duulimaadyadii Qaadkii ka imaan jiray dalka Kenya.

