Madaxweynaha Dalka Kenya oo ka Baaqday  Kulan Looga Hadli Rabo Qaxootiga iyo Muhaajiriinta

0

Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa la shaaciyay in uu ka baaqday safar uu uga qeeb gali lahaa shirka Qaramada Midoobay oo ku saabsan xal u helida arimaha biniaadanimo ee qaxootiga oo ka dhacaya Magaalada New Yorka ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dalka Kenya  Mudane William Ruto ayaa lagu wadaa in uu matalo Madaxweynaha Dalka Kenya  Uhuru  Kenyatta Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

ilaa hada ma cada sababta uu uga baaqday Uhuru Saacaddii uga danbeeyay, inkastoo wararka sheegeen in kooxdiisa horsocodka ay horay usii tageen Magaalada New York ee dalka Mareykanka

Dowlada Kenya ayaa Dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay in ay si qasab ay ku celiso qaxootiga Soomaliyeed ee ku jira Xerada Dhadhaab ee Gobolka Woqooyi bari ee dalka kanya.

Dhanaka kale Warbixin ay soo saareen kooxda ilaalada xuquuqda aadaneha ee Human Rights Watch oo lasii daayay todobaadkan ayaa lagu sheegay in dib u celinta qaxootiga xerada Dhadhaab ay ku guuldareysteen inay la kulmaan heerarka sharci ee caalamiga ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here