Faah-fahin:-Nabadoon Xalay Lagu Dilay Gudaha Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir

0

Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay Gudaha Degmada Yaaqshid ee Gobolka Banaadir ay ku dileen Nabadoon si weyn degmaaas loogu yaqaanay.

Nabadoon Afweyne Tiiteeye, ayaa dhintay ka dib markii ay weerareen niman bistoolado ku hubeysnaa  xili uu ku sugnaa xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, iyadoo Nabadoonka si wayn looga garanaayay Degmadaasi.

Dhanka kale Ciidamo ka Tirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa goobta gaaray ayagoo baaritaano ka sameeyay ilaa haatana si dhab ah looma oga dad loo soo qabtay dilka Nabadoonka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here