Dawlada Kenya oo Sheegtay in ay ka Dambaysay Daacish Weerarkii Lagu Qaaday Saldhiga Magaalada Mombasa

0

Maamulka magaalada Mombasa ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaan ay ku ognaanayaan hadii ay ka dambaysay kooxda Daacish weerarkii lagu qaaday saldhiga dhexe ee magaalada Mombasa axadii lasoo dhaafay,waxaana sidoo kale aad loo adkeeyay ammaanka degmada.

Afhayeen u hadalay dawlada oo lagu magacaabo Eric Kiraithe ayaa sheegay in weerarkaas uu ujeedkiisu  ahaa in lagu curyaamiyo hawlaha dawlada ,waxaana uu tilmaamay in aysan ahayn wax la layaabo falalka argagixiso ee lagu bartilmaameedsado xarumaha dawlada kenya.

Mr Kiraithe, ayaa tilmaamay in ay jiraan warar ku aadan in ay weerarkaas ka dambeeyeen xubno katirsan kooxda Daacish oo la aaminsan in ay doonayaan in ay saldhigyo ka sameystaan Gudaha dalkaas.

Werarkaanka ka dhacay saldhiga dhexe ee magaalada Mombasa ee dalka Kenya todobaadkii lasoo dhaafay ayaa waxaa ku dhaawacmay 2 askari oo ka tirsan ciidamda Booliska.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here