Midawga Africa oo Balan Qaaday in ay Bixin Doonaan Mushaarka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM

0

Madax katirsan Midawga Africa ayaa sheegay in ay ciidanka AMISOM  la kulmayaan dhibaatooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin dhanka mushaarka.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika  ayaa tilmaamay in ay laba jibaari doonaan dalalka Caalamka taageerada ay siiyaan ciidanka Midowga Afrika AMISOM.

Guddiga xiriirka howlgallada Militari ee Ururka Midowga Afrika  ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay ciidamada AMISOM ay ka taageeraan dhinacyo badan si ay u xaqiijiyaan amniga doorashooyinka lagu wado in ay ka dhacaan Soomaaliya bilaha fooda nagu soo haya.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in ay rajeynaayaan in ciidanka AMISOM ay si weyn uga qeyb qaataan sugidda amniga goobaha ay ka dhacaayaan doorashooyinka Soomaaliya

Dhowaan ayay ahayd markii ay soo shaacbaxday warbixin sheegaysa in ciidamada AMISOM  aysan helin mushaaraadkoodii Muddo dhowr bilood ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here