Ciidamada dowalda soomaaliya ayaa xaley howlgalo ay fuliyeen waxa ay ku soo qabteen gaari nuuca raaxada ah islamarkana laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa .
Ciidamada Nabadsugida soomaaliya ayaa waxa ay gudaha degmada wartanabada gaar ahan nawaaxiga isgoyska calikamiin waxa ay ku qabteen gari yar oo ay saarnaayeen walxaha qarxa islamarkaana la sheegay in uu yalay xaafada calikamiin ee gobolka banaadir.
Afayeenka maamulka gobolka banaadir iyo dad goobjoogayaal ayaa idaacadda simba u xaqiijiyay gaariga ay ciidamada nabadsugida gacanta ay ku dhigeen.
Gaariga la qabtay oo la sheegay in uu aha kaarib ayaa waxa jiro warar sheegaya in ciidamada ay ugu tageen gaariga meel wado aheyd oo la dhigay islamarkana ma uusan jirin qof la socday gaariga oo la soo qabtay.

