Waxaa gordheyd magaalada jowhar gaaray wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha dowlada soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.
Madaxweynaha soomaaliya waxaa socdaalkiisa ku wehlinayo Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Yuusuf Xuseen jimcaale iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada soomaaliya.
Soo dhaweynta madaxweynaha ayaa xiligaan ka sococto Magaalada jowhar waxana si weyn loo adkeeyay amaanka magaalada waxana hakad la geliyay dhamaan isa socodka ganacsiga iyo gadiidka.
Arinta ugu weyn ee keentay socdaalka Madaxweynaha uu ku tagey jowhar ayaa u badan qorshaha maamul u sameynta Gobolada Hiiiraan iyo Shabeelaha dhexe oo muran waayihi la soo dhaafay uu hareeyay.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha dhexe ayaa idaacada simba u xaqiijiyay socdaalka uu maanta madaxweyne xasan shiiikh ku tagey magaalada Jowhar.
Wixi faafaahin dib kala soco.

