Gudoomiyaha Maxkamada Degmada Baardheere oo dil ka bad baaday

0

Kooxo hubeysan ayaa weerar bambaano ku qaaday guri uu degmada baardheere ka degen yahay gudiimiyaha maxkamada baardheere Ibraahim nuur shacbaan.

Bambaanada  ayaa  la sheegay in ay ku dhacday gudaha guriga iyadona waxyeelo dhaawac ay gaarsiisay dad ku sugan gudaha guriga gudoomiyaha maxkamada baardheere.

Wararka qaar ayaa sheegaya in caruur uu dhalay gudoomiyaha maxkamada degmada baardheere ay ku dhaawacmeen bambo gacmeedka lagu tuuray hoyiga baardheere uu ka dagen yahay Ibraahim nuur shacbaan.

Gudoomiyaha qaraxa gurigiisa lagu weeraray oo ay la xariirtay idaacadda simba ayaa ka gaabsaday  in uu fafaahin ka bixiyo qaraxa.

Ciidamada dowlada soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgalo ka wadaan.

Faafaahinada howlgalada dib kala soco

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here