Shirkadda Hormuud oo soo kordhisay Adeeg aad Asxaabtada Cod ugu diri karto.

0

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo ah shirkadda isgaarsiin ee soomaaliya ugu tunka weyn ayaa waxa ay macaammiisheeda dhawaan u soo kordhisay  adeeg cusub oo logu magac daray DHAMBAAL.

Shirkadda Hormuud oo mudooyinki la soo dhaafay macaamiisheeda u soo kordhineysay adeegyo cusub oo dadka ay u qabato ay ku rali gaali gelineyso ayaa waxa ay haatan shirkadda soo saartay adeega DHAMBAAL oo ah adeeg cusub.

WAXTARKA DHAMBAAL

Adeegga Dhambaal ayaa ah mid qofka  ka saacidaya in uu fariin cod ah u duubo asxaabta uu xariirka la leeyahay.

Fariinta codka ayaa ka saacidi karto in qofka uu si fudud ku dhageysto codkaga islamarkana uu durbaba kaga soo jawaabo.

Qaab isticmaalka Adeegga Dhambaal

Si aad u dirto Garaac 133 Adiga oo raacinaya nambarka aad udireyso. Tusaale 13361XXXXXX. Si aad u dhageysato Fariimaha laguu soo diray garaac 134.

Inta Centi ee kaa baxeysa

Shirkadda ayaa adeegaan macaamiisheeda ugu dhigtay mid aad u qiimo jaban taas oo ay soo dhaweeyeen dad badan oo ku xiran shirkadda waxana Qiimaha halki Fariin uu yahay laba senti (0.02 Cent) .

Waqtiga Fariin duubista

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa Adeegga dhambal ka dhigtay mid qofka uu duubi karo mudo ku siman 30 Ilbiriqsi (30 second).

 

ADEEGGA DHAMBAAL ayaa waxa uu kamid noqonayaan adeegyada casriga ee ay soo kordhisay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

 

 

Xaquuqda qoraal wareedka waxa iska leh Radio Simba

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here