Aleksander Ceferin ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Xiriirka UEFA ka dib markii uu ku guuleystay tirada codadkii loo baahnaa ee Doorashadii ka dhacay maanta magaalada Athens ee dalka Gariiga.
Mudane Ceferin oo ah madaxa xiriirka kubada cagta Slovenia ayaa doorashada kaga guuleystay ninka kaliya ee la tartamayay ee reer Holland Michael van Praag ka dib markii uu helay 42 cod waana in ka badan 14 cod intii loo baahnaa inuu doorashada ugu guuleysto.
Aleksander Ceferin OO 49 –sano ah ayaa bedelaya madaxweynihii hore Michel Platini kaasoo iska casilay xilkaas sannadkii hore ka dib laga mamnuucay ciyaaraha kubada muddo sideed sanno ah isagoo lagu helay inuu jabiyay qawaaniinta kubada cagta u degsan ka dib markii uu lacag gaareysa 1.3 milyan ginni ka helay madaxweynihii hore ee Xiriirka FIFA Mr Sepp Blatter.
Michel Platini oo ku Guuleystay Seddex abaalmarin oo Ballon d’Or ah markii uu ciyaaryahan ahaa ayaa shirkii maanta ka hor sheegay inuusan wax danbi ah gelin, waxaana uu sheegay in lacagta uu qaatay ay aheyd mid uu shaqeystay oo aan musuq aheyn.







