Aleksander Ceferin oo  Loo Doortay Madaxweynaha Cusub ee Xiriirka UEFA( Daawo Sawirro)

0

Aleksander Ceferin ayaa loo doortay madaxweynaha cusub ee Xiriirka UEFA ka dib markii uu ku guuleystay tirada codadkii loo baahnaa ee Doorashadii  ka dhacay maanta magaalada Athens ee dalka Gariiga.

Mudane Ceferin oo ah madaxa xiriirka kubada cagta Slovenia ayaa doorashada kaga guuleystay ninka kaliya ee la tartamayay ee reer Holland Michael van Praag ka dib markii uu helay 42 cod waana in ka badan 14 cod intii loo baahnaa inuu doorashada ugu guuleysto.

Aleksander Ceferin  OO 49 –sano ah  ayaa bedelaya madaxweynihii hore Michel Platini kaasoo iska casilay xilkaas sannadkii hore ka dib laga mamnuucay ciyaaraha kubada muddo sideed sanno ah isagoo lagu helay inuu jabiyay qawaaniinta kubada cagta u degsan ka dib markii uu lacag gaareysa 1.3 milyan ginni ka helay madaxweynihii hore ee Xiriirka FIFA Mr Sepp Blatter.

Michel Platini  oo ku Guuleystay Seddex abaalmarin oo Ballon d’Or ah markii uu ciyaaryahan ahaa ayaa shirkii maanta ka hor sheegay inuusan wax danbi ah gelin, waxaana uu sheegay in lacagta uu qaatay ay aheyd mid uu shaqeystay oo aan musuq aheyn.

3856a32b00000578-3788758-image-a-13_1473844843487 3856f94600000578-3788758-image-a-14_1473845145691 3857e12c00000578-3788758-image-m-28_1473852085246 3857e57a00000578-3788758-image-a-25_1473852062582 3857e12500000578-3788758-image-a-26_1473852071318 38569e1400000578-3788758-image-a-12_1473844840279

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here