Gen. Katumba Wamala oo ah Taliyaha Ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in uusan sii socondoonin hawlgalka ay Ciidamadoodu kawadaan Somaliya madaama Qaramada Midoobay ay diiday in ay magdhaw kasiiso dawlada Uganda diyaarado nuuca qumaatiga u kaca oo ay leedahay Uganda oo ku bur buray buurta Mount Kenya bishii August sanadkii 2012-kii.
Katumba Wamala ayaa arrintaan u gudbiyay Guddiga arrimaha dibada ee baarlaamanka Uganda,waxaana uu u sheegay in UPDF in ay la xiriirireen Qaramada Midoobay, islamarkaan sargaal ka tirsan uu u sheegay in aysan jiri doonin wax magdhaw ah oo lagasii doono Uganda 3 diyaaradood helicopters ah oo ay lahaayeen militiraga dalka Uganda kuwaas oo ku Burburay dalka Kenya xili ay kusoo wajahnaayeen Gudaha Somaliya.
Sababta ayaa Qaramada midoobay, waxa ay ku sheegeen in diyaaradahaas xiliga ay burburayeen aysan ku sugneenn eeriyada uu hawgalku ka socdo.
Wamala ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in ay sii kordhayaan dhibaatooyinka haysta Ciidamada UPDF ee Somaliya jooga kadib markii Midawga Yurub ay jareen 20% dhaqaaliha ay siiyaan hawgalka Midowga Afrika ee Amisom ee Somaliya bishii January ee sanadkii 2015-ka.

