3-Haween oo Lagu Eedeeyay Weerarkii ka Dhacay Magaalada Mombasa oo Maxkamad Lasoo Taagay

0

Maxkamad ku taala Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa amar ku bixisay in xabsiga lagu sii hayo 3-haween ah oo mid ah ay tahay dhagool  xili loo heysto eedeemo la xiriira in ay wax ka ogaayeen weerarkii lagu qaaday saldhig boolis oo ku yaala Magaaladaas.

Maxkamadda ayaa sheegtay in wali lagu tuhunsan yahay 3-daan Haween weerarka islamarkaana haatan lagu hayo baaritaano markuu soo dhamaadana la kala cadeyn doono in ay wax ka ogaayeen weerarka iyo in kale.

Eedeysanayaashan oo lagu kala magacaabo Shukri Ali Haji oo dhega la ‘, Naema Mohammed Ahmed iyo Saciida Ali Haji ayaa la qabtay Axaddii ka dibna xabsiga la dhigay markii xeer ilaaliyaha maxkamadaMgaaalada Mombada uu sheegay in aysan sii wadi karin kiiska, sababtoo ah tuhmanayaasha oo aan fahmi karin ingiriisiga ama Kiswahili, halka mid ka mid ahna dhegaha ladahay.

Sidoo kale waxaa jira nin kale oo ciidmada amaanka Magaalada Mombasa  ee dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen oo lagu tuhmaayo in uu wax ka ogaa weerar lagu qaaday saldhig boolis oo ku yaala Magaladaas xili 3-haween oo fulisay weerarkaas ay laamaha amaanka ay toogasho ay ku dileen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here