Isu Socodkii Gaadiidka Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Dib Loo Furey

0

Barqanimadii maanta waxaa dib loo furey isu socodkii gaadiidka wadooyinka Magaalada Muqdisho oo lixdii Cisho ee la soo dhaafay u xirnaa suggida ammaanka Shirkii IGAD ee shalay ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka Dowlada Soomaliya  ayaa Laamiyada wadooyinka muhiihka ah ee Magaalada Muqdisho ka qaaday biro iyo qalabyo kale oo lagu xirey wadooyinkaas, xili Dowladda Federalka Somaliya amar guud ku bixisay in si weyn loo adkeeyo ammaanka Caasimada Magaalada Muqdisho.

Shacabka Magaalada Muqdisho oo Mudooyinkii dambe ku dhibanaa xirnaanshaha wadooyinka Magaalada Muqdisho ayaa si weyn usoo dhaweeyay Talaabada dib loogu furey isu socodkii gaadiidka wadooyinka.

Gaadiidka yar yar iyo kuwa dadweynaha ay raacaan ee Biel-ka loo yaqaano ayaa lagu arkayaa wadooyinka Magaalada Muqdisho oo maalmihii dambe ka caaganaa gaadiidka dadweynaha kaliyaha waxaa isticmaalayay Gaadiidka Dowladda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here