Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/salaan Cumar Hadliye oo goor dhow la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir uu ka cadur daartay in uu ka qeyb galo shir madaxeedka Urur Goboleedka ee Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.
Wasiir Hadliye Wasiirka arrimaha Dibada Soomaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir uu ka cadur daartay ka qeyb galka shirka, isla markaana uu u matalayo shirka Safiirka Sudan u fadhiya Magaalada Muqdisho.
Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

