Faah-faahin:-Diyaaradii Siday Madaxweynaha Dalka Jabuuti  Ismaaciil Cumar Geelle oo  Cilad Ay Soo Wajahday

0

Diyaaradii siday Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane  Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la sheegay iney ka soo degi weyday Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan cadde kadib cilad  Farsamo oo soo wajahday.

Danjiraha Jabuuti u fadhiya Magaalada Muqdisho ayaa Mudane Aadan Xasan Aadan ayaa wakaalada wararka soomaliyeed ee Sonna u xaqiijiyay in ay soo dagi weysay diyaaradii siday Madaxweynaha Jabuuti.

Danjiraha ayaa intaa ku daray in dayaarada uu la socday Madaxweyne Geelle ay cilad farsamo awgeed kaga  laabatay Magaalada Muqdisho, wuxuuna intaa ku daray in dayaarada ay si nabadgelyo ah ugu degtay garoonka magaalada Djabuuti.

“diyaaradda Madaxweynaha Qaranka Jabuuti hadda si nabadgalyo ay bey ku gaartay dalka Jabuuti, Cilad Farsamo ayaa soo wajahday, wuxuu qorshuhu ahaa in uu ka qeybgalo shir maradeexda IGAD, hadda waxaa matali doono Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalja Jabuuti oo ku sugan Madasha Shirka”, ayuu yiri. Danjir Aadam.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here