Madaxweynaha dalka  Kenya Uhuru Kenyatta oo Soo Gaaray Magaalada Muqdisho(Daawo Sawirro)

0

Wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa goor dhaw kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee aadan Cade , si uu uga qeyb galo shir Madaxeedka urur Goboleedka IGAD.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaadiidka Xukuumadda Somaliya Cali axmed Jaamac Jangali.

Waxaa sidoo kale goor dhow lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madax kale oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Muqdisho gaar ahaan goobta uu ka dhacay shirka oo ah Hotel Peace.

147376649679c22 147376649579573 147376649742844

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here