Ciidamada Amaanka Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay 3-qof oo dumar ah oo la xiriirinaayo in ay soo abaabuleen weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhig ay ciidamada booliska dalkaas ay ku lahayeen Magaaladaas.
Ciidamada Amaanka Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay nin la sheegay in haweenka weerarka qaaday uu gacan siiyay.
Ciidamada Booliska ayaa dadkaan ka soo qabtay Hooyga ay ka soo baxeen saddexdii dumarka ahaa ee weerarka ku qaaday Saldhiga Booliska Magaalada Mombasa.
Dumarka Ciidanka amaanka dalka Kenya ay soo qabteen ayaa lagu kala magacaabaa Siciido Cali Xaaji, Naciimo Maxamed Cali iyo Shukri Cali, weli lama shaacin magaca ruuxa Afaraad oo rag ah oo la aaminsan yahay in uu soo abaabulay weerarka.

