Ciidamada Amaanka Dalka Kenya oo Gacanta ku Dhigay 3-qof oo Lala Xiriirinaayo Weerarkii Magaalada Mombasa Ka Dhacay

0

Ciidamada Amaanka Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa xabsiga dhigay 3-qof oo dumar ah  oo la xiriirinaayo in ay soo abaabuleen  weerarkii dhawaan lagu qaaday saldhig ay ciidamada booliska dalkaas ay ku lahayeen Magaaladaas.

Ciidamada  Amaanka Magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay nin la sheegay in haweenka weerarka qaaday  uu gacan siiyay.

Ciidamada Booliska ayaa dadkaan ka soo qabtay Hooyga ay ka soo baxeen saddexdii dumarka ahaa ee weerarka ku qaaday Saldhiga Booliska Magaalada Mombasa.

Dumarka Ciidanka amaanka dalka Kenya  ay soo qabteen ayaa lagu kala magacaabaa Siciido Cali Xaaji, Naciimo Maxamed Cali iyo Shukri Cali, weli lama shaacin magaca ruuxa Afaraad oo rag ah oo la aaminsan yahay in uu soo abaabulay weerarka.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here