Ciidamada Xarakada Al-shabaaba ayaa dhoolatus ciidan, waxa ay ku soo bandhigeen Degmada Galhareeri oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ee bartamaha dhulka Soomaliya.
Ciidamada Xarakada Al-Shabaab iyo gaadiidka dagaalka ay soo bandhigeen ayaa ahaa kuwa badan waxayna tani muujinaysa in awood ahaan Shabaabka weli ay yihiin kuwa Xoogan iyagoo awood badan ku leh qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya.
Shabaab-ka ayaa sidoo kale soo bandhigay gaadiidka Cabdi Bilaha ah ee Somaliya looga dagaalamo, waxa ayna ahaayeen kuwa badan.
Inta badan dagaalada u dhaxeeya ciidamada Dowladda iyo Al Shabaab ee dalka gudihiisa ka dhaca Shabaab loogama qabsado gaadiid dagaal, taasi oo u sahlaysa sii jiritaanka awoodooda ciidan iyo Millateri.











