Duulimaadyadii Rayidka ahaa ee Sida Maalinlaha u isticmaali jiray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo La Hakiyay

0

Waxaa si kooban loo hakiyay Duulimaadyadii rayidka ahaa ee sida maalinlaha u isticmaali jiray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde sababo lagu sheegay  Shirka  Urur Goboleedka IGAD oo maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Gabi ahaanba saaka waxaanan jirin Diyaarado Duulimaad rayid ah oo ka soo degaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  ee Magaalada Muqdisho iyo kuwa ka dhoofaya intaba, waxaana si weyn loo adkeeyay ammaanka Garoonka, iyo wadooyinka soo gala.

Dhanka kale Shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu wargeliyay Axadii in maalinta talaadada aysan jirin Diyarado rakaab oo Garoonka imaanaayo iyo kuwa ka dhoofaayo, sidaasi awgeed shaqada ay fasax ka yihiin, kaliyah Diyaarado yar yar oo ay la socdaan Saraakiil dhanka ammaanka ah iyo La taliyeyaal ayaa kasoo dagaya  Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada muqdisho.

Dhawaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

‘’Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida kulan madaxeedkan IGAD, waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan in dalkeena uu dib u soo ceshto sumcaddii iyo sharaftii uu ku lahaa beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha Soomaliya  Xasan Shiikh Maxamuud.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here