UNHCR oo Sheegtay in 70,000 oo Qaxooti Somaali ah Diyaar u Yihiin in Dalkooda ay Kusoo Laabtaan

0

Hay’adda qaxootiga u qaabilsan qaramada midoobay ee  UNHCR ayaa sheegtay in qiyaas ahaan 70,000 oo qaxooti Somaliyeed ah oo ku nool xerada Dhadhaab ay diyaar u yihiin in ay kusoo  dalkooda dhamaadka sanadkaan.

Wakiilka UNHCR ee dalka Kenya Catherine Hamon Sharpe ayaa tilmaamay in taasi ay u dhiganto qiyaas ahaan 25% qaxootiga Somalida ah ee Kenya ku dhaqan.

Sargaalkaan u hadlay Qaramada Midoobaya ayaa sheegay in ay hadda ay jiraan illaa iyo 2,000 oo ku jira xero ku meelgaar ah oo diyaar u ah in dib ugusoo laabtaan Somaliya si iskood ah, waxaana uu intaas raaciyaay wakiilka UHCR ee Kenya in illaa iyo 2014-kii ay Qaramada Midoobay ku caawisay in ay si iskood ah dib ugu soo laabtaan Somaliya illaa iyo 28,000 oo qof.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here