Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo ka Hadlay Sababaha Loo Xirey Wadooyinka Muqdisho+Sawirro

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay sababaha keenay in la xiro wadooyinka ugu muhiin Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaliya oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Madaxtooyada Somaliya ayaa sheegay sababta wadooyinka loo xiray inay tahay xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Muqdisho inuu  ka dhacayo Shir Madaxeedka Urur Goboledka IGAD, islamarkaana la doonaayo in ammaanka si wanaagsan loo sugo, maadama ay Magaalada imaanayaan Madax sare sare.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan adkeysi inta Laamaha dowladda Soomaliya ay ku mashquulsan yihiin xaqiijinta amniga.

Maalintii labaad waxaa xiran wadada Maka Al-Mukarama iyo Wadada Wadnaha oo guud ahaa isu socodka gaadiidka rayidka laga mamnuucay, halka loo ogolaaday kaliya inay goobahaasi maraan gaadiidka Dowladda.

ib0a1384 ib0a1395 ib0a1400 ib0a1440 ib0a1467

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here