Wararka naga soo gaaraya Deeganka siinka dheer ee duleedka Magaalada Muqdisho Muqdisho ayuu ku waramaya in halkaas duhurnimadii maanta uu ka dhacay shil gaari oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac.
Shilkaan gaari ayaa waxa u yimid kadib markii mid kamid ah gawarida loyaaqano moota bajaajka oo si xooli ah ku socotay ay qeybta dambe ugu dhacday gaari kale oo noocisu ahaa saksuke.
Moota bajaajka ayaa waxa la tilmamay in ay gabi ahaanba ay rogmatay waxana qaasaro kasoo gaaray wadihi gaariga iyo 2kamid ahaa dadki saarna Mootada.
Waxa la xaqiijiyay In isla goobta uu ku geeriyooday ruux rag ahaa oo bajaajka saaran halka dhawac culus uusoo gaaray qof dumar ah iyo wadihii moota bajaajka
Qof kamid ah dadkii halkaas ku sugnaa markuu shilka dhacayay ayaa idaacada simba kaga warbixisay qaabka uu shilka u dhacay iyo qasaaraha ay indhaheeda ku aragtay.

