Al-shabaab oo Sheegay in Dowladda Soomaliya Aysan Awood u Laheyn in Dalka oo Dhan ay Ka Joojiso Qaadka

0

Xarakada Al-shabaab ayaa markiii ugu horeysay ka Hadashay go’aanka ay dowlada Federaalka Soomaliya ay ku hakisay duulimaadyadii diyaradaha qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.

Afhayeenka  guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud raage(Cali Dheere)  oo  waraysi siiyay wabaahinta Al-shabaab taageerta  ayaa ka hadlay sida ay u arkaan qaadka dowladdu sheegtay inay hakisay.

Sheekh Cali Maxamuud raage(Cali Dheere)  Afhayeenka Al-shaabab  ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaliya aysan awood buuxda xiligaan aysan u laheyn in dalka gabi ahaanba  ay ka joojiyo qaadka ka yimaada dalka Kenya.

“Dowladda iyadoo sheeganaysa in dalka ay maamusho ayuu hadana qaadka ka daganayaa Magaalooyinka Gaalkacyo,Guriceel Kismaayana Dooman ayaa Lagu keenaa”ayuu Yiri  afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali.

Waxaa xusid mudan in gobollo dhaca Koonfurta  iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya oo ay xarakada Al Shabaab Maamusho inlaga mamnuucay maandooriyaha  Khaat-ka iyo dhammaan waxyaabaha Maanka dooriyaha sida Tubaakada iyo Sigaarka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here