Xarakada Al-shabaab ayaa markiii ugu horeysay ka Hadashay go’aanka ay dowlada Federaalka Soomaliya ay ku hakisay duulimaadyadii diyaradaha qaadka ka keeni jiray dalka Kenya.
Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud raage(Cali Dheere) oo waraysi siiyay wabaahinta Al-shabaab taageerta ayaa ka hadlay sida ay u arkaan qaadka dowladdu sheegtay inay hakisay.
Sheekh Cali Maxamuud raage(Cali Dheere) Afhayeenka Al-shaabab ayaa tilmaamay in Dowladda Soomaliya aysan awood buuxda xiligaan aysan u laheyn in dalka gabi ahaanba ay ka joojiyo qaadka ka yimaada dalka Kenya.
“Dowladda iyadoo sheeganaysa in dalka ay maamusho ayuu hadana qaadka ka daganayaa Magaalooyinka Gaalkacyo,Guriceel Kismaayana Dooman ayaa Lagu keenaa”ayuu Yiri afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali.
Waxaa xusid mudan in gobollo dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Dalka Soomaaliya oo ay xarakada Al Shabaab Maamusho inlaga mamnuucay maandooriyaha Khaat-ka iyo dhammaan waxyaabaha Maanka dooriyaha sida Tubaakada iyo Sigaarka.

