Faah-Faahin:-Ciidamada Kenya oo Qaraxyo Lagula Eegtay Magaalada Mandheera

0

Wararka ka imaanaya Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya ayaa ku waramaya  in labo  Qarax lala beegsaday  Ciidamada Kenya oo marayay inta dhaxeysa Magaalooyinka Mandheera iyo Beled-xaawo.

Qaraxyadaasi oo ahaa laba qarax ayaa la sheegay in ay ahaayeen Miinada nuuca dhulka lagu aaso, iyadoo uu halkaasi khasaare ka dhashay, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in Ciidanka Amniga ee Dalka Kenya ay tageen goobta ay Qaraxyada ka dhaceen, waxayna howlgallo ka bilaabeen goobihii qaraxyada ay ka dhaceen, ilaa haatana si dhab ah looma oga qasaaraha soo gaaray Ciidamada Kenya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here